perjantai 23. marraskuuta 2012

Baasto Avocado

Fikradan baasto avocado waxa la yimi cook fiinish ah oo la yidhaaho Alexander Gullichsen.  Finland baastadan dhadhan keeda aad iyo aad ayaa looga helay waayahan. Wiigii hore ayaan markii ugu horaysay samaayey. Wiiganna mar labaad ayaan hadana ku celiyey., runtii macaankeeda aad iyo aad ayaan ugu bogay. Sidii loogu talagalay wax yar baan ka badalay. Sidan ku jeclahay iyo khudratan aan haysto ayaan ku sameeyey. Isku daya oo fikradihiina kasoo dhiibta.




2 toon
1 qaji
1 liindhanaan 
2 avocado bisil
milix
filfil
saliid oliv
candoobo basilica
1 dl burcad pecorino la yaryareeyey
1 dl burcad parmesaan la yaryareeyey
400–500 g baasto
Sanuunada waxad ku samaynkardaa madiibad wayn. Marka hore toonta iyo qajiga yaryaree oo madiibada ku rid. Liindhananta ku tuuji. Avocadada badhtanka ka kalajar oo ininyaha ka saar. Avocado gudihiisa midida ku yaryaree oo madiibada ku rid. Basilica, pecorino iyo parmesaanka yaryaree oo ku dar. Milixda, saliida iyo filfisha ku sii dar. Malqacad ku walaaq. Milixda ha ku yareynin oo hadiikale dhadhankeedu wuu xumaanayaa.
Baastada biyo milix leh ku kari, oo ka dhig "al dente". Baastadu yey kaa  jilcin, yaanuu dhadhankeedu lumin. Biyahad baastada aad ku karisay meelahaas desilitir ka qaad oo ku dar sanuunada. Baastada madiibada ku shub markad biyaha ka miirto, oo woxoodhan isku walaaq. Wali inyar oo permesaan iyo filfil ku dul daadi. 
Markaba dadka waad u soo dhigikartaa.














Ei kommentteja:

Lähetä kommentti