Maraq kaluun
Qaybta I
madaxa iyo inta dambe ee kaluunka
1 basal
2 toon
filfil
milixda badda
3 litir biyo
Intaas isku kari oo kaluunka maraq ka soo saar. Biyaha haduu kaa gudho ku biiri.
Markad 1/2 saacad karisay maraqa ka miir oo weel kale ku shub. Kaluunka inta hilbka ka saar oo maraqa raaci. Digsiga dhaq oo dib u isticmaal. Maraqa la miiray oona hilbka kaluunka lugu daray digsiga ku shub.
Qaybta II
3 baradho
2 kaarood
1 basal
toon
1/2 qaji
filfil
milixda badda
burcad
Baradhada, basasha, kaaroodada, toonta iyo qajiga yaryaree oo maraqa ku dar. Maraqa karkari intay baradhada iyo kaaroodadu ka bislaanayaan. Maraqa ku qas mishiinka lugu qaso. Waxa la doonayaa inad khudradoodhan ay burburaan. Maraqa digsiga wali ku kari oo dabka ka yaree. Burcada(kreem) ku dar oo xoogaa ku kari.
Maraqa dadka ku sii rooti iyo liindhanaan.
Ei kommentteja:
Lähetä kommentti