perjantai 14. joulukuuta 2012

Blini -loxoox ruush

loxoox ruush BLINI (15 midh)

3dl yogurti turkish
15g fixiso qoyan
2dl daqiiq tattar
1 malqaacad yar sonkor
1dl caano kulul
1 malqaacad yar milix
1 malqaacad wayn subag dhalaashan
1 beedka inta huruud
1 beedka inta cad


Diiri yogurtiga, fixisada ku mil oo ku qas daqiiqda iyo sonkorta.
Qooshka laba saacadood (2h) u daa inay faxdo ama in ka badan hadaad daysid talaajada ku ridid. Intanad dubin loxooxda ku dar caanaha kulul, milixda, subaga dhalaashan, beedka inta huruuda ah. Beedka inta cad xoog u qas kaligiis oo markaas ku dar. Loxooxda daawe yar ku dub.


waxa lugu cuno

kalluunka salmon milixeysan
basasha cas oo la yaryareeyey
smetana
beetka kaluunka (mäti, kaviaar)
caano fadhi (kermaviili)









torstai 6. joulukuuta 2012

maraq kaluun

Maraq kaluun


Qaybta I

madaxa iyo inta dambe ee kaluunka
1 basal
2 toon
filfil
milixda badda
3 litir biyo

Intaas isku kari oo kaluunka maraq ka soo saar. Biyaha haduu kaa gudho ku biiri.
Markad 1/2 saacad karisay maraqa ka miir oo weel kale ku shub. Kaluunka inta hilbka ka saar oo maraqa raaci. Digsiga dhaq oo dib u isticmaal. Maraqa la miiray oona hilbka kaluunka lugu daray digsiga ku shub.

Qaybta II

3 baradho
2 kaarood
1 basal
toon
1/2 qaji
filfil
milixda badda
burcad

Baradhada, basasha, kaaroodada, toonta iyo qajiga yaryaree oo maraqa ku dar.  Maraqa karkari intay baradhada iyo kaaroodadu ka bislaanayaan.  Maraqa ku qas mishiinka lugu qaso. Waxa la doonayaa inad khudradoodhan ay burburaan. Maraqa digsiga wali ku kari oo dabka ka yaree. Burcada(kreem) ku dar oo xoogaa ku kari. 

Maraqa dadka ku sii rooti iyo liindhanaan.





perjantai 23. marraskuuta 2012

Baasto Avocado

Fikradan baasto avocado waxa la yimi cook fiinish ah oo la yidhaaho Alexander Gullichsen.  Finland baastadan dhadhan keeda aad iyo aad ayaa looga helay waayahan. Wiigii hore ayaan markii ugu horaysay samaayey. Wiiganna mar labaad ayaan hadana ku celiyey., runtii macaankeeda aad iyo aad ayaan ugu bogay. Sidii loogu talagalay wax yar baan ka badalay. Sidan ku jeclahay iyo khudratan aan haysto ayaan ku sameeyey. Isku daya oo fikradihiina kasoo dhiibta.




2 toon
1 qaji
1 liindhanaan 
2 avocado bisil
milix
filfil
saliid oliv
candoobo basilica
1 dl burcad pecorino la yaryareeyey
1 dl burcad parmesaan la yaryareeyey
400–500 g baasto
Sanuunada waxad ku samaynkardaa madiibad wayn. Marka hore toonta iyo qajiga yaryaree oo madiibada ku rid. Liindhananta ku tuuji. Avocadada badhtanka ka kalajar oo ininyaha ka saar. Avocado gudihiisa midida ku yaryaree oo madiibada ku rid. Basilica, pecorino iyo parmesaanka yaryaree oo ku dar. Milixda, saliida iyo filfisha ku sii dar. Malqacad ku walaaq. Milixda ha ku yareynin oo hadiikale dhadhankeedu wuu xumaanayaa.
Baastada biyo milix leh ku kari, oo ka dhig "al dente". Baastadu yey kaa  jilcin, yaanuu dhadhankeedu lumin. Biyahad baastada aad ku karisay meelahaas desilitir ka qaad oo ku dar sanuunada. Baastada madiibada ku shub markad biyaha ka miirto, oo woxoodhan isku walaaq. Wali inyar oo permesaan iyo filfil ku dul daadi. 
Markaba dadka waad u soo dhigikartaa.














maanantai 30. heinäkuuta 2012