keskiviikko 18. huhtikuuta 2012

Mishiinka weelka "Caasha Shageeya"

Mishiinka weelka sidee baa faaidada ugu badan looga helaa?


 Horta weelka  cuntada iyo qashinka dheeraadka ah ka tirtir, oo biyo ku dhaqdhaq.
Hubi in weelka lugu maydhi karo mishiinka weelka. Mishiinka weelka la sug intu buuxsamayo intaanad shidin. Albaabka markaste oo aanad isticmaaleyn ha xidhnaado. Culays badan ha saarin albaabka mishiinka weelka.

Weelkee baan lugu maydhi karin mishiinka weelka?

- Mindida lugu jarjaro khudaarta iyo hilibka.
- Dhoobada sawirku ka meydhmi karo.
- Birdaawaha wuu milmikaraa oo weelka kalena wuu wasakhayn karaa.
- Weelka looxa laga sameeyey, way qaloocan karaan oo jajabayaan.
- Weelka laga sameeyey bir, alumin,maar, qalin, way milmayaan oo madoobaanayaan. Sababtu waa saabuunta mishiinka weelka.
- Weelka laga sameeyey caagga khafiifka ah kulaylka badan way ku dhalaalayaan.
- Koobabka khafiifka ah ee dhalada ah way ku jabayaan mishiinka weelka.

Mishiinka weelkuna wuxu u baahan yahay in marmar kaligiis la meydho.  Xasuuso inad qasabadda (tuubada) biyaha ee ku xidhiidhsan mishiinka weelka inad xidhid marku mishiinku shaqada dhameeyo.

Ei kommentteja:

Lähetä kommentti